March 15, 2025

War Deg Ah Duqeyn diyaaradeed ayaa goor dhaw lala beegsaday Saldhiga ugu weyn ee Kooxda argagixisada Daa1cish

64 / 100

Saldhiga ugu weyn ee Kooxda argagixisada Daa1cish ku lahayd Soomaaliya,gaar ahaana Buuraleyda Calmiskaat oo ah deegaanka Miraale, waxaana fuliyey dawladda Imaaraatka Carabta oo ah saaxiibka Puntland ee ku taageeray gulufka Calmiskaat.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 20 kamid ahaa kooxdan Argagixiso duqeyntan lagu dilay, 24kii saac lasoo dhaafay Dhadaar & Miiraale ayay ka firxanayeen argagixisada, iyagoo u diga rogtay dhanka Ceelka WANGABLE oo ka tirsan degmada Qandala una jira masaafo dhan 25KM.

Wajiga 2aad ee Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Calmiskaat ayaa kusii siqaya dhammaad, iyadoo kan 3aad lagali doono oo sifeynta cadowga.