Waxa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii saaka ka dhacay waddada 21 October ee magaalada Muqdisho.
Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aaden oo madax ka ah hay’adda gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambulance ayaa wardeeqnews -da u sheegay inay goobta qaraxu ka dhacay ka qaadeen 8 qof oo dhimasho ah iyo 9 qof oo dhaawac ah