War Degdeg ah: Xildhibaan Deegaanka Banaadir oo la dhaawacay & xaaladdiisa oo laga warbixiyay”

Xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Dharkenley, gaar ahaan xaafadda Ceeldheer, ayaa xalay lagu dhaawacay weerar hubeysan oo ka dhacay gudaha degmadaasi.
Maxamed Muuse Sanweyne, oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka, ayaa la sheegay in lagu weeraray farmashiye uu ku lahaa xaafadda Ceeldheer, kadib markii kooxo bastoolado ku hubeysan ay gudaha u galeen goobta ganacsi isla markaana rasaas ku fureen.
Goobjoogayaal ku sugan halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid degdeg ah, islamarkaana dableyda ay goobta ka baxsadeen kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamada ammaanka. Rasaasta lagu furay Sanweyne ayaa sababtay dhaawac, waxaana si degdeg ah loogu qaaday mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo ilo caafimaad ayaa tilmaamaya in xaaladda Maxamed Muuse Sanweyne ay haatan tahay mid soo hagaageysa, inkastoo uu weli ku jiro daryeel caafimaad.
Maxamed Muuse Sanweyne ayaa Golaha Deegaanka Degmada Dharkenley uga mid noqday Xisbiga Karaama, isagoo ka mid ahaa xubnaha firfircoon ee ka shaqeeya arrimaha bulshada ee degmada.
