Boosaaso 3 780x450 1 - Wardeeq news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare kala duwan geystay.

Qaraxa ayaa ka1dhacay makhaayad lagu qayilo oo ku taalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa jira, lamana ogga ilaa hadda cida sida gaarka ah loola beegsaday.

Waa qarixii labbaad oo bishaan gudaheeda ka dhacay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, halkaasi oo dhowaan la filayo in ay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka.

Wixii ka soo kordha halkaan kala soco.

Wardeeqnews.net

Verified by MonsterInsights