wasiir - Wardeeq news

Somaliland ayaa markale ka hadashay kiiska agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Dahable oo bishii Febraayo ee sanadkaan dil shaki xooggan dhaliyay loogu geystay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan ayaa ka dalbaday safaaradaha shisheeye ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho inay ka wardoonaan dhalinyarada Muqdisho loogu xiray dilka Cabdinaasir Dahable, oo uu sheegay in jirdil ba’an loo geystay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka dalbaday hay’addaha xuquuqal insaanka inay soo fara-geliyaan arrintaan, si loo sii daayo dhalinyaradan oo uu sheegay in aan lagu hayn wax dambi ah, balse lagu qasbayo inay qirtaan dambiga ay hay’addaha ammaanka usoo xireen.

“Dhallinyaradii Xamar inagaga xidh-xidhnayd ee dowladda Xamar ay mu’aamaradaysay ee ninkii dhallinyarada ahaa la dilay lagu mu’aamaradeeyay ee fashilantay ee la doonayo inta la jidhdilo in danbiga la saaro, hay’addaha xuquuqal insaanku ha ka jawaabaan,” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.

“Dowladda Xamar waa ku dhici la’dahay in ay sii deyso ama maxkamad horkeento dhalinyarada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay inay ka baqeyso fashil, maadaama ay jirdil u gaysteen dhallinyarada.

Hadalkan ayaa imanaya xilli dhawaan qaar kamida ehellada iyo waalidiinta dhalinyarada xiran oo reer Somaliland ay sheegeen in ciqaab daran ay ku wajahayaan xarunta dembi baarista booliska ee CID-da Muqdisho.

Allaha u naxariiste Cabdinaasir oo kasoo jeeday gobolka Awdal ayaa dhowr bil kahor waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan qolkiisa, guri uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaan weli socota baarista kiiskan.

Verified by MonsterInsights