FB IMG 1645268199678 720x470 1 - Wardeeq news

qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii qof isku soo xiray wax yaabaha qaraxa uu isku dhax qarxiyay goob maqaayad ah oo ku taala magaalada Baledweyne.

Goobta uu qaraxa ka dhaxay ayaa ah meel inta badan kulamada iyo shirarka lagu qabto, waxaana lagu magacaabaa baar Xasan Dhiif, waxana ay ku dhagan tahay Buundada Liiq-liiqato ee magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa wardeeq news  u sheegay in dadka qaraxa ku dhintay la sheegay in ay ku jiraan Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, Dad shacab ah iyo masuuliyiin kale.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dbacay, iyagoona warbaahinta u diidaya in ay helaan xogta qaraxa.

Xaalad jahwareer ah ayaa ka taagan goobta qaraxu ka dhacay, waxana socda gurmad loo samaynayo dadka dhibaatadu ku dhacday.

Beledweyne waxay isu diyaarinaysaa maalinta berito ah, inay ka bilaabato doorashada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka.

 

Verified by MonsterInsights