Warar Is Khilaafsan oo Ka Soo Baxaya Xildhibaan la Sheegay inuu Yurub Magangelyo Ka Doontay

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xildhibaan Nuurdiin Col-u-joog, oo ka tirsanaa Baarlamaanka Golaha Shacabka, uu magangalyo (qaxootinimo) ka dalbaday mid ka mid ah dalalka reer Yurub.
Ilo wareedyo rasmi ah ayaa xaqiijiyay in xildhibaanku uu isku dhiibay hay’adaha socdaalka ee dalkaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin dalka uu ku sugan yahay.
Muddooyinkii u dambeeyay, Xildhibaan Nuurdiin Col-u-joog ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu ka maqnaa fadhiyadii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya.
Xildhibaankan ayaa Golaha Shacabka ku metelayay gobollada waqooyi ee Somaliland, waxaana wararkani ay imaanayaan xilli ay jiraan hadal-heyn ku saabsan maqnaanshaha xubno ka tirsan Baarlamaanka.
Illaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ama dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan arrintan, iyada oo muddo xileedka baarlamaanka labada Aqal uu dhamaaday.
