Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo gaystay khasaare jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miino ayaa haleelay gaari ay la socdeen father shacab ah, xilli uu marayay deegaanka Doonka
oo u dhexeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa saddex qof, halka uu ku dhaawacmay qof kale oo kamid ahaa rakkaabkii la socda gaariga oo kusoo jeeda dhanka degmada Afgooye. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa
loo adeegsaday ee waxyeellada kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ka dhacay halkaas. Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa weeraro qaraxyo, ah ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo bartilmaameedsata ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.