Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxa la sheegay in degaanka Carrooley ee Gobolka Sool ka af-duubteen dad Shacab ah oo la sheegay inay degaan ahaan kasoo jeedaan Magaalooyinka Burco iyo Berbera ee Somaliland.
Dadka Shacabka ah ayaa xilliga la afduubanayay waxaa ay ku wajahnayeen Hooygooda, iyaga oo ka yimid Beero ay ku leeyihiin degaanka xalin ee isla Gobolkaasi Sool.
Warraka la helayo ayaa sheegaya in sababta dadkaasi loo afduubtay ay tahay arrin la xiriirta xariga ay Somaliland ugu geeysatay magaalada Burco Nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, kaas oo Warbaahinta ka dhaliila Xukuumadda Somaliland.
Laamaha Amniga Somaliand ee Gobolka Sool ayaan weli ka hadlin Afduubka meelo kamid ah Gobolkaas loogu geystay dad Shacab ah, hayeeshee wararka ayaa sheegaya inay socdaan baaritaano la xiriira sidii dadkaasi xorriyadooda ay u heli lahaayeen.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Sool aya dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay Colaad Beeleedyo, hayeeshee badankood ay xalisay Xukuumadda Soomaaliland.