Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka wadatashiga doorashooyinka

0
215

Waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madax uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo loo qorsheeyay in uu furmo Maanta oo khamiis ah, hayeeshee waxaa muuqata inuu dib u dhici doono, maadaama inta badan Madaxda dowlad Goboleedyada aysan soo xaadirin, lana filayo Maanta illaa berri inay soo wada gaaraan Muqdisho.

Xalay waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) halka la filayo in Saacadaha soo socda ay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynahayaasha, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle, Puntland iyo Jubbaland.

Shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa la sheegay in uu asalkiisu yahay heshiiskii 17-kii September, waxaana Midowga Mushatixiinta ay dalbadeen inay shirkaasi ka qeyb galaan, iyada oo ay xusid mudan tahay in aysan kamid aheyn saxiixayaashii heshiiskii 17-kii September.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here