images 1 - Wardeeq news

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, ayaa looga hadlay hubkii shalay maleeshiyaad iyo dadka deegaanka ku furteen kuna boobeen deegaan dhaca duleedka degmada Caabdudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ee DFS gacanta ku dhigeen hub sharcidarro ah oo dalka laga soo galinayay dhinaca Itoobiya, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in hubkaasi uu ahaa mid la doonayay in si sharcidarro ah looga ganacsado.

Dhanka kale, wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in hubka laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen ay jidgooyo  kala kulmeen maleeshiyaad hubaysan, taas oo  sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaasi jidgooyada dhigtay.

Ugudambeyn, Warka ayaa intaa lagu daray in dawladda Soomaaliya  ay ka xuntahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadkaas wadada u galay ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah.

amni hub - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights