Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka dalbaday Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xariga Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Wasiirka ayaa muddo 48 saacadood u qabtay inay hey’adda ku soo gudbiso warbixin dhameystiran, maadaama ehelada Mukhtaar Roobow iyo wakiilada matala ay si joogto uga cabanayaan in aan laga warheyn caafimaadkiisa iyo badqabkiisa, sidoo kalena dalbaday in cadaalad loo helo.