Thursday, December 26, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

0
274

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Somaliland 18  Ruux, Puntland 23 qof,  Banaadir 4 Ruux , Hirshabeelle: 1 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay  1 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin  30 Rag ah iyo 17 Dumar ah, halka cudurka ay ugu geeriyoodeen 2 ruux degaannada Somaliland, iyada oo ay ka bogsadeen 39 qofood.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 14,415 xaaladood 747 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen  6,191, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here