Wasiir Arimaha dibada Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Itoobiya la siiyay Marin Badeed.
“Waxaan si cad u beeninayaa wararka sheegaya in Itoobiya loo ogolaaday inay gaarto Badda cas. Sheegashooyinkan aan waa kuwo aan Sal iyo Raad lahayn oo aan lahayn wax wax aasaas ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Fiqi.
Wuxuu sii raaciyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta daah-furtaanta arrimaha Qaran.
Falcelinta Wasiirka ayaa timid kadib markii baraha Bulshada lagu baahiyay Warausi uu siiyay siiyay Wargeyska Al Sharq oo uu usheegay in Itoobiya heli doonto kaliya dekad ganacsi kaliya taa oo ay Dowladda Soomaaliya ku korjoogteyn doonto.
Wasiir Fiqi waxa uu sheegay in Itoobiya ay ku xadgudbeyso heshiiskii madaxda Dowladda iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara isagoona cambareeyay dagaal ciidamada Itoobiya ay ka qeyb galeen kana dhacay degmada Doolow.
Sidoo kale Dowladda Eritrea ayaa si taxadar leh waxa ay Soomaaliya uga digtay in heshiiskii Ankara Soomaaliya lagu qiyaameeyay oo ay ku jiraan madmadow.