March 14, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga :Dagaalka lagula jiro Khawaarijta waxaa kaalin weyn ku leh Ciidamada Cirka

58 / 100

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dagaal lagula jiro khawaarijta ay kaalin weyn ku leeyihin ciidanka cirka soomaaliya oo adeegsanayo diyaaradaha ay dowladda soo iibsatay, kuwaasoo khwaarijta lagu naafeyay.

 

“Dagaalka lagula jiro Khawaarijta waxaa kaalin weyn ku leh Ciidamada Cirka Soomaaliyeed oo adeegsanaya diyaarado ay Soomaaliya leedahay oo ay soo iibsatay, taasi oo cadawga aad u naafeysay”ayuu yiri Wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay korortay awoodda ciidanka cirka iyo duqeymaha isdabajooga ah ee lala bartilmaamedsanayo argagixisada,isagoo tilmaamay in guula waaweyn laga gaaray howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Waxa uu sidoo kale sheegay in dolwadda ay gacanta ku heyso xubnno katirsan khawaarijta oo iyaga oo dagaalamay inta rasaastii ka dhamatay dagaalada ku dhaawacmay dowladana ay gacanta ku heyso ayna daweeyneyso,wuxuu ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee wali ka bar-bar dagaalamaya argagixisad