Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, oo ay horkacday Wasiir Khadija Al-Makhzoumi, la saxiixatay hay’adda Global Centre for Climate Mobility, waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay
horumarinta iyo adkaynta bulshooyinka u nugul isbeddelka cimilada. Iskaashigan ayaa diiradda saaraya sidii loo xoojin laha istaraatiijiyad wax ku ool ah oo loogu talagalay la qabsiga isbeddelka cimilada, iyadoo la maalgelinayo mashaariic ka jawaabaya
baahiyaha bulshada, isla markaana la horumarinayo awoodda maamulka maxalliga ah. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada Soomaaliya ee lagu doonayo in lagu dhiso bulshooyin waara oo si fiican uga hortaga isbeddelkacimilada.
ayaa heshiis la saxiixatay hay’adda Global Center for Climate Mobility. Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo Soomaaliya ku habboon.
Iskaashigan cusub wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.
Ujeedada heshiiska ayaa ah in la maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.