Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa furay kulanka talo-urursiga Dhamaystirka Man-hajka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Somaliland.
kulankan oo socon doona muddo 2 maalmood ah ayaa ay kasoo qayb galeen Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda
Waxbarashada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka, Agaasime waaxeedada wasaaradda waxbarashada, maamuleyaasha, macalimiinta, jaamacadaha dalka iyo hay’addaha wasaaradda waxbarashada kala shaqeeya dhanka waxbarashada.
ugu horayn Agaasimaha waaxda Manaahijta Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cabdi Cismaan ayaa ka warbixiyay maraaxilkii uu soo maray manhajka dugsiyada hoose isagoo sheegay ujeedada shirkani inay tahay Talo-Urursiga Dhamaystirka Manhajka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa dhankooda u mahadnaqay kasoo qayb galayaasha iyo waaxda Manaahijta waxaanay sheegeen in ay xukuumada waxqabad iyo wadajir ay ka go’antahay dhamaystirka manhajkani