Wasaaradda Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalah JSL Oo Tababar Mihiim Ah U Furay Agaasimayaasha Guud Ee Dawladda.
Hargeisa, February 25, 2025 (W.M.H.D) – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Iyo Horumarint Dhaqaalah JSL Md Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa maanta tababar mihiim ah u furay Agaasimayaasha Guud ee dawladda Somaliland, kuwaas oo lagu tababari-doono Hanaanka Is-wada Ee Maaraynta Xogta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee loo soo gaabiyo FMIS {Financial Management Information System}.
Nidaamka casriga ah ee lagu tababarayey Agaasimayaasha Guud ayaa ah Nidaamka loo adeegsado adeegyada bixinta mushaharka shaqaalaha, bixinta kharashaadka, iibka, qabashada dakhliga iyo arimaha la hal-maala.
Tababarkan oo ka Qabsoomay xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magaaladda Hargeisa ayaa Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Md Ismaaciil Mowliid Cabdilaahi isagoo sharaxaad ka bixinaya ujeedada tababarkaasi waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Muadanayaal, Waxa aynu maanta is kugu nimid tabobar ku saabsan Barashada Hanaanka Is-wada Ee Maaraynta Xogta Maamulka Maamliyadda Dawladda ee loo soo gaabiyo FMIS {Financial Management Information System}, hanaankan oo mudo soo socday waa ka aynu hada u adeegsano bixinta mushaharka shaqaalaha, bixinta kharashaadka, iibka, qabashada dakhliga iyo arimaha la hal-maala.
Hadaba, maadaama aad tihiin Agaasimayaasha Guud ee Hay’addaha Dawaladda waxa aad masuul ka tihiin socodsiinta hawlaha xafiisyada oo ay ka mid yihiin bixinta kharashaadka ay galaan xafiisyada Dawladdu sidaa darteed muhiimad aad u weyn ayuu idiin leeyahay tabobarkani.
Laba qaybood ayaanu u kala jabinay 15 idin ka mid ah maanta ayaa la siin doonaa halka 15 ka kalana bari ay qaaadan doonaan hadii Rabi qadaro. Saraakiisha waaxda IT-FMIS ayaa idin siin doonta.
Ugu danbayn waan idiinka mahadnaqayaa ka soo qaybgalkiina tabobarkuna wuu inoo furan yahay”.
Wabillaahi Tawfiiq