Waxa Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu kulan la yeesheen Guddoomiye ku xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane : C/casiis Maxamed Xaashi
{ Cagawayne } oo Madaxweynaha JSL dhawaan magacaabay.
U jeedada kulankan oo ahaa xog waraysi ku saabsan aqoonta iyo khibrada Guddoomiye ku xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka ee dhawaan Madaweynuhu soo magacaabay.
Kulankan oo ku soo gebo-gaboobay dhamaystirka shaqadii Guddidu ugu yeedhay Masuulkaa oo wixii tallo ah ee ka soo baxay Guddidu la wadaagi doonto Golaha Weynaha, si ay waajibkooda uga gutaan.