Doorasho - Wardeeq news

Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhacaya doorashadda 4-kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kuraasta maanta lagu dooranayo Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa noqonaya kuwa ku cusub Siyaasadda Soomaaliya,waxayna kala yihiin.

Kursiga HOP#064 ayaa afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhiday Sahro Cumar Maalin, hase yeeshee waxaa ku tartamaya maanta musharaxiinta kala ah Mohamed Ibrahim Cali (Mohamed Cajiib) iyo Cabdullahi Iimaan Afrax.

Kursiga HOP096, waxaa ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Cabdicasiis Cilmi Cali balse waxaa maanta ku tartamaya Qaali Axmed Diiriye iyo Xakiimo Xirsi Cali.

Kursiga HOP248 ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Maxamed Axmed Abtidoon, hase yeeshee waxaa ku tartamaya kursigan Saadaq Cumar Xasan iyo Cabdullahi Xirsi Diirshe.

Kursiga HOP#089 waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Cabdi Shire Jaamac balse waxaa ku tartamaya maanta musharaxiinta kala ah

Verified by MonsterInsights