Waxaa Suaal Ka Tagan? Ninka afarta xaas Nairobi kusoo bandhigay oo lagu eedeeyey inuu arrintaa u adeegsanayo socodsiinta ajende kale oo halis ah

0
208

Marka aynaan indha iska tuurin jidbana iska yara dejinno, Soomaalida waligeed bay hal xaas iyo ka badanba guursan jireen, wax yar haddaynu hadda dib isu wada raacno aabbe Soomaaliyeed oo aan dhowr reer yeelan ama ha u wada joogeen ama ha kala tageen ma jiro mana jirin, sharaf bayna lahaayeen oo guryohooda joogeen cidina ma arki jirin.
Waxaynnu kaloo ognahay in guurka hal xaas ka badani sunne yahay oo diinteenu bannaysay oo qofkii awooda kana soo baxa shuruudaha loo dejiyey uu ikhyaar leeyahay inuu guursado, sidoo kalena haweenaydii ku qanacsani ikhyaar u leedahay in lala guursado ama nin xaasas badani guursado.
Gabdhahii social media la wareejinayay ha ii joogeen, ayagay u taal hadday qanacsanyihiin iyo haddii kaleba e, Anigu waxaan isweyddiinayaa waa maxay sababta wax waligeed jiri jirey oo diiniyan ah loo buunbuuninayo?
Maxaase nin raga oo masuula ku kalifi kara inuu xaasaskiisi baraha bulshada marba dhinac isu daba wado? Goormuuse guurkii noqday wax caannimo lagu doono? Waa maxay sababta nin caannimo doonaya oo Soomaalidaba u haysta inay shayaaddiin caabudaan si fudud loogu faafinayaa?
Anigu waxaan leeyahay ninkaas, guurku i arkooy iyo maqlooy iyo halagu sheeg sheego ma ahan waa ka weynyahay, waxaan kaloo aaminsanahay ninkaani wuxuu faafinayaa si walboo ay ugu suurta gasho in calanka Soomaaliya yahay calan shayddaan, oo maanta oo keliya ayuu kumannaan Somali ah fikirkiisa calan nacaybka ku talaalay isaga oo ugu mar marsoonaya arrin shareecadu bannayse ee halloo dhug lahaado inta iska dhaaftaan hiyi kaca iyo jidbada idin haysa.

Xadrada inaga soo dejiyoo afkaarta ninkaas wixii aad iskaga difaaci lahaydeen kulana doodi lahaydeen ka fekera.
Qalinkii: Nasro Cabdirisaaq
FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here