Waxbarashadu waa nidaam barbaarineed oo u habaysan si ay u hagto bulshada. Waxa ay jihaysaa aayaha waddan iyo dadka ku nool, waana hagaha ummadda oo la’aanteed aanay jiri karin nadaam, hormar iyo kaladambayn toona.
Ma jiro Dhaqaale kobcayaa oo hore u marayaa haddii aan aqoon lagu qorshayn oo lagu maamulayn. Ma jirto bulsho is beddel iyo horumar gaadhaa; haddii aqooni maqantahay. Mana jirto bulsho hab nololeedkeeda sare u qaadi kartaa; haddii aanay aqoonta dadkeeda adeegsan.
Noociyada Wax-barashada ee ummadi u qorshayso dadkeeda, waa in ay noqotaa mid laga rabo in ay ka jawaabto marba baahida iyo mushkiladaha/dhibaatooyinka waddanka haysta. Waa in wax-barashadu ahaataa mid lagu sar gooyey dhaqanka iyo diinta aasaaska u ah bulshada, hab nololeedka, habka wax-soo-saarkeeda iyo bii’adda dalka. Wax-barashada ummadi dadkeeda iyo dalkeeda u qorshaysaa, waa in aanay noqon mid ummad kale u qorshaysay dadkeeda iyo baahida iyo dhibaatada u gaarka ah. Waa in wax-barashada heer kastaba lagu sar gooyaa baahida iyo dhibaatooyinka dalka iyo dadka u gaarka ah.