Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose
Weerarkaan ayaa waxa la sheegay waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Ciidmo ka tirsan dowladda federaalka ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanada awdheegle iyo numbar50 ee kuwaasi oo dhaca gobolka shabeelada hoose.
khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaaqwaca ayaa lagu soo waramayaan in weerarkaan uu ka dhashay.
Al-shabaab ayaa dhabarka u ritay masuuliyada weerarkaan waxa ay sheegteen in ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda
Wararka al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca barahooda intarneetka waxaa ay ku sheegteen in weerar culus oo dhab gal ah ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda xili ay socdaal kumarayeen inta udhexeysa deegaanada adheegle iyo lambar50
Waxaana ay sheegeen in weerarka ay ku dileen saddex askari oo ka tirsanaa dowladda iyagoona intaasi ku daray in ay gubeen hal moota oo ay sheegeen in ay wateen ciidamada dowladda federaalka ah
sidookale al-shabaab ayaa sheegteen in askarta dowladda ay ka furteen saddex qori iyo booshashkooda.
Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo looga hadalay sheegashada al-shabaab ee ku aadan weerarka lala beegsaday ciidamada dowladda