DAB 1 - Wardeeq news

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaaro kala duwan geeystay oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan amisom

Weerarkaan oo qarax ku bilowday ayaa waxa lagu qaaday saldhiga ciidamada burundi ay ku lahaayeen deegaanka buurane ee hoostaga degmada mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe.

khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaan in weerarkaan qarax loo adeegsaday uu ka dhashay

al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan,waxaana in qasaaro lixaad leh ay ku gaarsiiyeen ciidamada amisom  gaar ahaana kuwa burundi.

Wararka al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in qaraxaan ay dhimasho iyo dhaawac ku Noqdeen laba askari oo ka tirsaanaa Ciidamada  burundi

Wali  wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada amisom oo looga hadlayo weerarkaan qaraxa ah Ee la sheegay in  lala beegsaday Ciidamada burundi

al-shabaab ma ahan markii ugu horeysay oo ay guulo ka sheegtaan weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo ay ku qaadaan ciidamada amisom ee fadhigoodu yahay deegaanka buurane ee dhacay degmada mahaday ee  gobolka dhexe

Weerarkaan alshabaab ay ka fuliyeen deegaanka buurane ayaa kusoo aadaya xili xaalada amni  deegaanada hoostaga gobolka shabeelaha dhexe muddoyinkii dambe laga  deyrinayay islamarkaasna ay ka dhacayeen qarax iyo dilal ay inta badan ay masuuliyadooda dhabarka uriteen dagaalamayaasha al-shabaab

Verified by MonsterInsights