Somalia al Shabaab Recruitment Paper Slider - Wardeeq news

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar lagu dilay xubno isugu jirey Kenyaan iyo Shiinees.

Weerarkaan ayaa ka dhacay deegaan katirsan gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Wararka ka imaanaya Lamu ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 qof Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah ay ku dhinteen weerar culus oo shalay ka dhacay deegaanka Majengo ee dhulka Kenyaa.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay iyagu mas’uul ka ahaayeen

“Ciidamada al Shabaab ayaa weerar ay ka fuliyeen gobolka Lamu ku dilay 6 qof Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakadda  Al Shabaab oo warbaahintooda lagu baahiyay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladaha Kenya iyo China oo loogu hadlaayo sheegashadda Shabaab ee ku aadan in weerar ay ku dileen xubno isugu jirey Kenyaan iyo Shiinees

Verified by MonsterInsights