Weerar Lama Filaan ah: Ciidamada Degaanka oo Al-Shabaab ku Naafeeyay Deegaanka”

Weerar Lama Filaan ah: Ciidamada Degaanka oo Al-Shabaab ku Naafeeyay Deegaanka”

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay duleedka deegaanka Tardo oo hoostaga degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan ururka Al‑Shabaab.

 

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay inuu billowday kadib markii ciidamada Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Tardo.

 

Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay ku qaadeen goobaha Al-Shabaab uu sababay khasaare xooggan oo soo gaaray kooxda. Saraakiisha ayaa sheegay in ay gubeen gaari booyad ah oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay ku dileen ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsan kooxda.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in wali rasaas laga maqlayo duleedka Tardo, taas oo muujinaysa in xiisadda dagaalka ay weli ka taagan tahay halkaas.

 

Ilaa iyo hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle kama aysan hadlin dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

 

Dagaalkan ayaa imanaya xilli gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda oo kaashanaya ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab ee ka jirta qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *