Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa caawa xabsiga dhigay Weriye Cali Aadan Muumin oo kamid ah weriyaasha ugu caansan caasimadda Muqdisho.
Taliyaha qeybta guud ee booliska Gobolka Mahdi Cumar Muumin ayaa xaqiijiyey inay xireen Weriye Cali Aadan, isagoo ku eedeeyey ‘qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed.’
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar-Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Booliska ayaa qoraalkaan ku sheegay in Cali Aadan la horgey doono Maxkamadda awooda u leh.
“Muwaadiinta Soomaaliyeed waxaa la faray in aysan qeyb ka noqonin qalqal galinta Amniga iyo faafinta wararka been abuurka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.
Cali Aadan Muumin ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaliilayey dowladda federaalka, isagoo ka hadkayey waxyaabaha ay ka gaabiyeen madaxda dowladda federaalka.