Wuqtaar- Villa Soomaaliya Ayaa Qaadaysa Waxa Ka Dhaca Beledweyne+

0
175

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Generaal Muqtaar ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya aan lagala tashanin Ciidamadda Haramcad iyo Gor-gor ee la geeyay Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka iyo siyaasiyiin kale oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha aan lagala tashanin Ciidamadda la geeyay.

Waxa uu sheegay In wixii dhibaatooyin ah ee ka dhashay ciidamadda la geeyay Beledweyne ay qaadi doonto Madaxtooyadda Soomaaliya.

Labada diyaaradood ayaa Ciidamada Haramcad iyo gorgor ee ay tababartay dowladda Turkiga ka qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana la sheegaya in ay yihiin qeybtii ugu horeysay ciidamo gaaraya 400 oo askari oo loo qorsheeyay in  Baledweyne ka howlgalaan inta codaynto socoto.

Illo lagu kalsoonyahay u sheegay in ciidamadaan dajiyay Saldhiga ku yaalla magaaladda Baledweyne oo ay ka socdaan banaanbaxyo rabshado wata.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here