Xajka - Wardeeq news

Waxa Xajka sanadkan uu kaga duwan yahay sanadihii la soo dhaafay, waa inay Israel weeraro ballaaran ka waddo Marinka Gaza, isla-markaana ay dad fara-badan ku dhimanayaan.

Xujeydu waxay sanadkan gudanayaan waajibaadka Xajka, iyada oo aad uu u kacsan yahay dareenka ummadda Muslimiinta ee dunida oo dhan.

Ummadda Muslimiinta ayaa bulshada kale ee caalamka kala mideysan, sida ay uga dhiidhinayaan dembiyada ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Ciidamada Israel oo sideeddii bilood ee ugu dambeysay burbur iyo gumaadba ka waday Marinka Gaza ayaa dhulka la simay inta badan daarihii ku yiilay dhulka la go’doomiyay, sidoo kalena ay weeraradooda ku dileen 37,266 qof, halka in ka badan 85,102 kalena ay ku dhaawaceen.

Bulshada caalamka ayaa dalbaneysa in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka dhimashada iyo dhaawaca faraha badan gaysanaya, inkastoo Israel ay u muuqato mid ka caga jiideyso in ciidamadeeda ay si dhakhsi ah uga la baxdo Marinka Gaza.

Dadka reer Gaza ayaan nasiib u yeelan inay sanadkan xajiyaan, maadaama uu xiran yahay xadka Marinka Gaza iyo Masar, inkastoo Boqorka Sacuudiga, Salman bin Abdulaziz uu martiqaad u fidiyay kun Xujey oo reer Gaza ah, kuwaa oo horaan isaga baxay Marinka Gaza, ka hor inta aanu xirmin xadka.

Dadkan ayaa ka mid ah qoysaska Falastiiniyiintii ku geeriyooday ama ku dhaawacmay dagaalka. Isgoyska Rafah ee u dhaxeeya Marinka Gaza iyo Masar ayaa xirmay bishii May, ka dib markii Ciidamada Israel ay duulaankooda ku ballaariyeen jiidda koonfureed ee Marinka Gaza.

Afar kun iyo laba boqol oo Falastiiniyiin ah oo ka ambabaxay Daanta Galbeed ee la haysto ayaa gaaray magaalada barakaysan ee Makka, kuwaa oo fursad u helay inay soo xajiyaan, sida ay sheegeen masuuliyiinta Falastiiniyiinta.

Sidoo kale sanadkan waxaa markii ugu horreysay in ka badan 10 sano ay Xujeyda Suuriyaanka u suurtagashay inay ka soo xajiyaan dalkaasi Suuriya, ka dib markii Boqortooyada Sacuudiga ay fasaxday duulimaadyadii tooska ahaa ee ka imanayay Caasimadda Dimishiq. Tani waxay qayb ka tahay xiriirka soo hagaagaya ee labada dal.

Mid ka mid ah kulamada diineed ee ugu weyn adduunka ayaa ka socda magaalada barakaysan ee Makka iyo nawaaxigeeda ee galbeedka dalka Sacuudiga.

Waa fursad weyn oo loogu duceyn karo dalalka Muslimiinta ay colaaduhu ka jiraan, sida dalka Suudaan oo kale, oo in ka badan hal sano ay ku dagaalamayaan janaraalo iska soo horjeeda.

Dagaalkan ayaa dalkaasi ka abuuray masiibo bani’aadantinimo iyo mid ka mid ah barakacii ugu weynaa ee dunida, ka dib dagaalkii 2aad ee adduunka.

Verified by MonsterInsights