Xasan Sheekh Maxamuud oo Caawa Kulan Muhiim ah la Qaadanaya Xildhibaannada Baarlamaanka

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaadanaya dhammaan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib ansixintii dhowaan lagu meel mariyey Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha uu ugu mahadceliyo Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen dhammaystirka dastuurka dalka, iyo doorkii ay ka qaateen in Soomaaliya ay yeelato dastuur rasmi ah, iyadoo laga guuray dastuurkii ku-meelgaarka ahaa.
Sidoo kale, Madaxweynaha iyo xildhibaannada ayaa kulanka isku weydaarsan doona xog ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee uu xilligan marayo dalka.
Dastuurka la ansixiyay ayaa soo maray geeddi-socod dheer oo dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ah, waxaana tallaabadan loo arkaa guul weyn oo xoojinaysa qaranimada iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.






