Falcelin aan caadi ahayn iyo hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu Marwo Hani Cabdi Gaas u magacaabay in ay la-taliye uga noqoto Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha. Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad; aqoon iyo xirfad durugsan u leh
arrimaha dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah. Sidoo, Hani ayaa u xil saaran in dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay
khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka. Haddaba Sidee Looga Falceliyay Tallaabada uu qaaday Madaxweyne Xasan