Xiisad Cusub: Itoobiya Oo Xadka Ciidan Soo Dhoobtay Iyadoo Abiy Ahmed Ku Hamminayo Deked”

Illo wareedyo wardeeqnews.com ay heshay ayaa tilmaamaya in ciidamada militariga Itoobiya inay ku qulqulayaan agagaarka xuduudda waqooyi ee dalkaasi, xilli ololaha Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu daneenaayo gaarida marinka Badda Cas isla markaana laga cabsi qabo dagaal hor leh oo waxyeelo ku noqon kara xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Kumannaan ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata taankiyo iyo madaafiicda waaweyn ayaa fariisimo ka samaystay meel dhowr meyl u jirta kooxda fallaagada Tigray, kadib markii iska horimaadyo dib uga qarxay deegaankaasi dhammaadkii bishii Janaayo 2026.
Dowladda Itoobiya ayaa ku eedaysay fallaagada Tigray inay jabiyeen heshiiskii nabadda ee jilicsanaa ee la kala saxiixday sanadkii 2022, kaas oo soo afjaray dagaal sokeeye oo socday laba sano, kaas oo lagu qiyaasay inay ku dhinteen ilaa 600,000 oo qof.
Isbeddel lama filaan ah oo ku yimid isbaheysiga gobolka, cutubyo ka tirsan ciidamada lugta Ereteriya oo ka walaacsan dammaca badda ee Addis Ababa ayaa la soo sheegayaa inay ka gudbayaan xuduudda si ay u xoojiyaan xoogagga Tigrayga.
Si kastaba, saddexdii sano ee la soo dhaafay Abiy Axmed ayaa si weyn u hadal hayay in luminta xeebta ay tahay caddaalad darro taariikhi ah oo u baahan in la saxo. Itoobiya ayaa lumisay xeebteedii dhererkeedu ahaa 1,400 meyl (2,250 KM) sanadkii 1993-kii markii ay Ereteriya ka go’day kadib dagaal xornimo doon ahaa oo socday soddon sano.
Helitaanka Itoobiya ee marin-biyoodka kuma koobna Ereteriya oo kaliya, sannadkii 2024, Addis Ababa waxay heshiis muran dhaliyay la gashay Somaliland oo ah gobol gooni u goosad ah oo ka tirsan Soomaaliya, si ay u kireysato 20 KM oo xeeb ah. Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay Soomaaliya, waxayna soo jiidatay dalka Masar oo markii horeba isku hayeen Itoobiya arrinta ku saabsan biyo-xireenka wabiga Niil ee GERD.
Tallaabadan ayaa noqon karta xiisad dib u soo cusboonaysiinaysa xiisada dalalka deris la ahaa gaar ahaan khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran tahay Itoobiya oo bad hesha.”
ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Abiy Axmed oo dhowaan kahor hadlay baarlamaanka dalkiisa waxaa uu markaasi adkeeyay muhiimada ay u leedahay in dadka reer Itoobiya ay helaan bad ay ka faa’ideystaan kheyraadkeeda. Waxa uu sheegay in 20 Milyan oo Soomaali ah ay haystaan dhowr kun oo Kiloomitir oo xeeb ah sida markaasi aysan caddaalad in 130 Milyan oo Itoobiyaan ah loo diido 50 Kilomitir oo bad ah.
“20 milyan oo Soomaali ah baa haysata 5 kun oo kiilomitir oo xeeb ah, Siddee caddaalad ku tahay in 130 milyan oo Itoobiyaan ah loogu diido 50 kiilomitir oo bad ah”? – ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali.
Abiy Axmed wxuu baarlamaankiisa kahor jeediyay khudbad u muuqata mid uu kaga hadlaayo in dalkiisu muhiim u tahay inuu helo bad, isla markaan uu gaaro Badda Cas, waxa uu sheegay Madaxweyneyaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Jabuuti ay gaareen dalka Itoobiya isla markaan la hadlaayeen luqadooda dhaqan ahaan iyo ciyaarro isku dhaqan ah halkaasi lagu soo bandhigaayay, sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay sda dhaqan iyo luqadda u mideysan tahay in kheyraadkana loogu faa’ideysto.
Waxa uu soo hadal qaatay safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay magaalada Jigjiga iyo Madaxweynaha Jabuuti taasi oo tilmaamay in ay muujinayso sida dadka walaalo u yihiin oo isu xiran yihiin sidaas darteeda loo baahan yahay in laga faa’ideysto kheyraadka dhinaca badda.
Itoobiya ayaa sheegtay in ay leeyihiin biyo-xireenka qaaradda Afrika ugu weyn isagoo jeediyay hadallo goodin u eg kuwaasi oo la xiriira maamulida wabiyada ka baxa dalka Itoobiya sida: Niil iyo Shabeelle oo mid ka mid ah uu aaddo dalka Kenya.






