malayshiyo 696x412 1 - Wardeeq news
Wararka ka imaanaya degmada Balanbale ee Waqooyi Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maant deegaano hoos yimaada degmadaasi ay xiisad dagaal ay ka taagan tahay taas oo u dhaxeysa maleeshiyaad u abaabulan hab beeleed oo wada daga halkaasi.
Xiisadaan ayaa timid kadib markii Xalay lagu dilay qof shacab ah deegaan lagu magacaabo Goodiro oo ku yaala Xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Dowlad degaanka, halka qof kalena lagu dhaawacy halkaas, kaas oo dhawaciisa markii dambe lagaar siiyay dagmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.
Allah ha unaxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shiini Cabdi Sanatar Sida dadka degaaanka ay shegeeen, kaas oo uu dilkiisa salka ku hayo anooyin qabiil iyo dhul daaqsimeed udhaxeeyey maleeshiyaadka xiisada u dhaxeyso haatan.
Dhawaan ayey aheyd Beelahahaan Walaalaha ee xiisadu ka dhaxeyso ay  waxgaradkoodu heshiis soo kala saxiixdeen, kaas oo ay garwadeen ka ahayeen Madaxada maamulka dowlad degaanka, iyagoo waxgaradka belahaan ay iskugu geyeeen Magalada Jigjiga ee Caasimadda Dowlad degaanka Soomaalida halkaa oo lagu gaaray heshiis hordhac ah.
Sidoo kale, Ciidamada gaarka ah ee niyuu Boolis ee dowlad degaanka ayaa maanta howlgallo kawada deegaano ka tirsan Qoraxeey iyo Xadka uu Gobolka Galgaduud la wadaago Dowlad degaanka si loo xakameeyo coladaan u dhaxeeysa labada maleeshiyo beeleed.
Verified by MonsterInsights