Xiisad Siyaasadeed oo Isku Beddashay Milatari: Ciidamo ka Baxay Gedo kuna Wajahan Bay

Wararka laga helayo koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan oo taabacsan maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay dhaqdhaqaaqyo militari ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo oo maamihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen kadib markii ay halkaasi gaareen dhawaan.
Ilo deegaanka ah iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadan ay u jihaysteen dhanka gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.
Maalmihii la soo dhaafay, tuulooyin dhowr ah oo ku hareereysan Baydhabo ayaa lagu arkayay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo ay wadaan xoogag daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, taasoo sare u qaadday walaaca amni ee ka jira gobolka.
Dhanka kale, dadka ku nool Baydhabo ayaa soo sheegay falal dhac iyo boob ah oo si baahsan uga dhacay gudaha magaalada, tan iyo markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, ay si awood leh ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo.
Dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin diyaar garow loogu jiro weerar suurtagal ah oo lagu doonayo in dib loogu qabsado magaalada Baydhabo, taasoo sii hurin karta xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka jirta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
