FB IMG 1650771831986 - Wardeeq news

Maalintii 2-aad ayey kulan magaalada Muqdisho ku leeyihiin Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya kaas oo uu ajendihiisu yahay dhageysiga khudhadaha musharixiinta ee la xiriira waxqabadkooda ku aadan marka ay ku guuleystaan Guddoonka Golayaashaas.

Shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa waxaa hor yimid tiro musharixiin ah oo gaaraya 8 Mudane kuwaas oo Baarlamaanka ka hor jeediyay qorshaha waxqabadkooda ee xilka Guddoomiyaha Golahaaas.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa iyaguna maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad & 2-aad ee Golahaas. Iyagoo shalay dhageysatay khudbadaha musharixiinta u taagan Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maanta ayaa lagu wadaa in Guddoonka KMG ah ee labada aqal ay soo gabagabeeyaan hadal jeedinta musharixiinta u taagan doorashada Guddoonka Golayaashaas.

26-ka bishaan oo ku beegan Talaado ayuu qorshuhu yahay in la qabto doorashada Guddoonka aqalka Sare, halka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loo asteeyay in la qabto 27 bishaan oo iyana ku beegan Arbaco.

Verified by MonsterInsights