img 1 1718883601381 - Wardeeq news

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan iyo Masuuliyin ka Tirsan Xisbiga WADDANI ayaa Magalada Burco kulan balaadhan kula qaatay Cuqaal ,Odayaal, dhalinyaro aqoonyahan iyo haween kaso jeeda gobollada Togdheer ,Saraar iyo Sanaag ee beesha Axmed Faarax Biciide ee Habar jeclo

Waxgaradka Beesha ayaa tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadanayaan dadaalka isbedel ee xisbiga WADDANI, islamarkaana codkooda iyo cududooda la barbar istaagayaan hoggaanka xisbiga si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco xisbiguna ugu guulaysto dooroshooyinka muddaysan

Madaxda Xisbiga WADDANI ayaa si kal furan u soo dhaweeyay haldoorka beesha, islamarkaana uga mahadceliyay taageeradooda.Sidokale tilmaamay in ay xil weyn iska saari doonaan wax ka qabashada deegaannada beesha iyo horumarintooda.

Verified by MonsterInsights