Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo waliba ta Golaha Guurtida Furis Ururada Siyaasada
Waxaana ka mid ah Qodobada ku jiray….
1. Waxay xisbiayada mucaaradku ayideen go,aankii bishanka soo baxay Maxkamada Sare ee Somaliland.
2. Xisbiyada mucaaradku waxay sheegeen in doorashada sanadka 2022 ay mihiimad gaar ah leedahay. Waxaanay ku sababayeen in aanay jirin wax sharci ah oo ku gadaaman Doorashada…waa in doorashada ka soo horaysaa Furista. Ururada Komashnka doorashooyinka waxa ay diraariyeen Nadaamkii lagu gali lahaa Dorashooyinka.
3. Xisbiyadu waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qayb galaan doorashada Madaxtooyada iyo waliba ta ururada Furistooda
4. Golaha Guurtida laba dooran ilaa iyo 1979 kii ilaa hadana lama samayn xeerkii lagu dooran lahaa Golaha Guurtida.
Xisbiyada ayaa madaxwaynaha faray in la diyaariyo xeerarkii lagu dooran lahaa golaha guurtida Somaliland waxayna sheegeen in ay dhankooda diyaar yihiin in ay ka qayb qataan Xeerarka lagu dooranayo Golaha Guurtida…