2b0f1464 d8b7 4c5d 85be - Wardeeq news

Ururka Xisbullah ee Lubnan ee taageerada ka hela Iran ayaa Axaddii sheegay, in ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Isra’il ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Isra’il.

Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Isra’il u isticmaasho ilaalinta mandiqadda gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka.

Isra’il ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Isra’il iyo Carabta.

Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo marki ay iyada iyo Isra’il billaabeen in ay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza.

Xisbullah ayaa sheegtay in ay joojin doonto weerarada ay ku heyso Isra’il, marka ay Isra’il joohiso dagaalka ay ka waddo Gaza.

Ciidanka Isra’il aanan wali war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Isra’il ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan.

Reuters

Verified by MonsterInsights