Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa xog cusub ka bixiyay shirweynihii saddex geesoodka ahaa ee bishii October ka dhacay magaalada Asmara, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda Eritrea, Masar iyo Soomaaliya. Shirkaas oo xilligaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka, iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo
ixtiraamka wadajirka ah ee dalalka dariska ah, ayaa wuxuu Afwerki sheegay in shirka uusan aheyn mid duullaan ku ah dal kale. Madaxweyne Isaias Afwerki oo warbaahinta gudaha ayaa si cad u sheegay in shirkaasi aan looga dan laheyn in lagu dhibaateeyo Itoobiya,
isagoo dhinacyo kale ku eedeeyay inay dacaayado uu ku tilmaamay “marin-habaabin” iyo “been-abuur” Sidoo kale wuxuu sheegay in Shirkaas uu ahaa dadaal loogu tala-galay sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka Geeska Afrika.