Haniyah - Wardeeq news

Hay’adda sirdoonka ee Turkiga ee MiT ayaa sheegtay inay ka hortageen labo isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu dilo madaxii hore ee xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh oo lagu qaarajiyey weerar ka dhacay Tehran Arbacadii, sida ay sheegtay CNN Turk.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay inuu jiray fayl gaar ah oo MiT ay ugu magac dartay (Steel Shield), wuxuuna ahaa howlgal gaar ah oo lagu ilaalinayay Haniyeh.

Inta lagu jiray howlgalka MiT ayaa fashilisay iskuday la qorsheeyay in howlgal lagu dilayo Haniyeh laga fuliyo Turkiga inta uu booqashada ku joogay bishii April, sidoo kale howlgal kale oo la qorsheeyay ayaa ka dhici lahaa Doha oo uu degganaa Haniyeh, iskudaygaana wuxuu ahaa mid fashilmay.

Dhanka kale, sirdoonka Turkiga ayay warbixintu sheegtay inay ku wargeliyeen Haniyeh inuusan booqan Tehran, sababtoo ah waxaa jirtay calaamad muujinaysa howlgal horumarsan oo lagu dili karo, marka uu ku adkeystay waxaa la sheegay inay la wadaageen tallooyin amni iyo inuu muujiyo taxaddar dheeraad ah oo uu uga fogaanayo qalabka internetka ku xiran iyo telefoonada gacanta.

Illaa hadda ma jirto warbixin faahfaahsan oo laga hayo sida uu u dhacay howlgalka lagu dilay Haniyeh, iyadoo toddobaadkan warbixin kooban oo ay soo saareen ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo ilaalinayay goobta lagu dilay Haniyeh ay sheegeen gantaal laga soo ridday bannaanka dhismaha uu degganaa Haniyeh in dilka lagu fuliyay.

Ugudambeyn, tan iyo marka uu dilka dhacay Iran ayaa loo jeedinayay in saraakiisheeda ay dilkan ka qeyb qaateen iyo fadeexad weyn oo sirdoonkeeda iyo hay’adaha amniga oo dilkan uu u soo jiiday.

Verified by MonsterInsights