FB IMG 1642926688574 - Wardeeq news

Xoghayha arimaha Bulshada ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland ayaa eedeymihii ugu Cuslaa u jeediyey Madbacadka Qaranka Somaliland ayaa yidhi;-

” Madbacadda qaranka waxa ka jira musuq-maasuq, shaqaalahu 2 bilood oo musharay leeyihiin, Istiikarka waddo marista 2021 lixdii bilood ee danbe waxay daabacaday 33,000 waxay ka heshay 105,600$ Shaqaalaha laguma celin, 2022 waxay daabacday 58,000 waxa ka soo xeroonaya 185,600$ waa in lacagtaa sidii sannadkii hore loo lunsan ee Shaqaalaha lagu celiyaa. Maalgelintii 2019 ee ahayd 1,200,000$ waa in la baadhaa madaama shaqada Madbacadda aanay wax ka bedelin adeegyadiina daabacadda suuqa Dawladu ka samaysato.”

 

Verified by MonsterInsights