Xubno, ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerareen Gobolka Bakool +

0
211

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay degmada Xudurk, waxaana la sheegay in dagaalka uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed.

Dadka ku nool degmada Xudur ayaa waxaa ay sheegeenin xaafadaha qaar ee degmada ay rasaasta kusoo dhaceysay, isla markaana ay soo wajahday cabsi la xiriirtay inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Degmada Xudur ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Ururka Al-Shabaab ee ku yaal Gobolka Bakool,waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis laftagareen uu sheegay in dhawaan go’doonka laga qaadi doono.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here