Banka Carafo - Wardeeq news

In ka badan hal milyan iyo bar oo Xujey ah ayaa maanta isugu soo uruuray Buurta Carafo, iyaga oo gudanaya maalinta ugu muhiimsan ee waajibaadka Xajka.

Xujeyda oo isaga kala yimid dunida dacaladeeda ayaa gudanaya rukunada ugu muhiimsan, uguna dambeeya acmaasha Xajka. Xujeyda ayaa Alle ka baryaya dembi dhaaf, una duceynaya ummadda Muslimiinta ee caalamka oo dhan.

Maanta oo kale waa maalinta Xujeyda ay ugu baryada badan yihiin Alle xagiisa, iyagoo gacmaha kor u taagaya, weydiisanayana waxa ay doonayaan.

Maanta waa maalin ku weyn ummadda Muslimiinta, waana maalin qiimo badan oo kan sooman uu Alle ugu dembi dhaafayo sanadkii tagey iyo kan soo socdaba.

Xajku waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waxaana uu ku waajibaa qof kasta oo qaangaar ah, caafimaad qaba, isla-markaana awooda.

Ummadda Muslimiinta ayaa waxaa ku waajiba in ugu yaraan ay halmar xajiyaan, inta noloshooda ah, haddiiba ay awoodaan.

Xajka ayaa ka kooban dhowr cibaado oo la guto, waxaana ugu muhiimsan maalinta 9-aad ee bisha Dul Xaj, oo ah maalinta ay Muslimiinta isugu soo baxaan Buurta Carafo.

Sanadkii hore waxaa Xajka gutay 1.8 milyan oo qof, sida ku cad tira-koobka rasmiga ah ee Boqortooyada Sacuudiga.

Si kastaba ha-ahaatee Axadda berrito ah ayaa dunida Muslimka iyo wadamada kale ee ay Muslimiinta ku nool yihiin laga ciidi doonnaa maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa, taas oo geba-gabo u ah gudashada acmaasha Xajka iyo taagnida Xujeyda ee Banka Carafo.

Ciiddan oo sidoo kale loo yaqaano (Ciidda Carafo) ayaa ah Ciidda Labaad ee Islaamku uu leeyayay. Wardeeqnews

Verified by MonsterInsights