444151102 2167123163648905 2921346996700031570 n - Wardeeq news

“Waxaan la kulmay oo ka wareystay xaaladahooda Beeraleyda wadatay gaadiidka Qudaartu saaran tahay, sidoo kalena waxaan la kulmay Ciidanka iyo Saraakiisha adeegyada amniga ku hawlan ee goobta ku sugnaa oo aan ka codsaday in ay Beeralayda u dedejiyaan adeegyada ay ka sugayaan” ayuu mar kale yiri wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya.

Maareeye ayaa sidoo kale xusay in beeraleyda uu la kulmay ay ka muuqatay dhibaatada ay sheeganayaan iyo rafaad ay ku qabaan wadooyinka ay soo maraan, mararka qaarna ay dhibaato xoog leh kala kulmaan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Markii aad physically si dhab ah u fiiriso duruufta iyo muuqaalka Beeralayda iyo Baabuurta ay wataan waxaad ka arkaysaa in ay soo rafaadeen, waxaadna korkooda ka akhrisanaysaa inta ay le’egtahay dhibaatada Khawaarijtu ku hayso dadkeena danyarta ah” ayuu raaciyay.

Muddo aad u dheer ayay soo taagnayd qaylo dhaanta gaadiidleydaan, waxaana saameyn ku yeeshay habraaca amni ee loo dajiyay gaadiidka alaabta sida ee soo galaya Muqdisho.

436237236 2167123133648908 2079501138162219285 n - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights