1780145147a4ef6f528f - Wardeeq news

Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka aan u dhalan Deegaankaasi ee ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Dhowr todobaad ka hor ayay Somaliland dadkaasi u qabatay inay uga baxaan muddo 15 Maalmood ah, taas oo shalay ku ekeed, waxaana ay daba socotaa tallaabadii dadka looga musaafuriyay laascaanood.

Wadooyinka Waaweyn iyo Goobaha Ganacsiga magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa Maanta lagu arkayaa Ciidamo Boolis ah, kuwaas oo baadi goobaya dada kasoo jeeda Koonfirta Somalia si ay u qab qabtaan.

Bishii bore Somaliland ayaa dad kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed waxaa ay kasoo musaafurisay magaalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Verified by MonsterInsights