March 15, 2025

Xukumada, Soomaaliya oo ballan-qaad culus u sameysay 25-kii dhalinyaro ee Shabaab ka difaacay

60 / 100

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ballaaran oo ay ku garab istaageyso ciidamadii deegaanka ee kooxda Al-Shabaab kula dagaalamay deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha Dhexe,

gaar ahaan 25-kii dhalinyaro ee jilibka u dhigay Khawaarijta, kana difaacay inay qabsadaan deegaanka. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ku jiro wasiirka caafimaadka, Dr Cali Xaaji Aadan

ayaa qaar kamid ah dhaawacyada dhalinyaradaas ku booqday isbitaalka Xoogga, iyaga oo u kuur galay xaaladdooda caafimaad oo lagu dabiibayo isbitaalka.

Wasiirka ayaa ballan-qaaday in dhalinyaradaan loo sameyn doono maamuus gaar ah, isla markaana ay dowladdu ku dari doonto diiwaanka geesiyaasha qaranka.

“Waxaan maanta Isbitaalka Xoogga ku booqanay geesiyaashii ku dhaawacmay Ceel Cali Axmed iyagoo la dagaallamaya Khawaarijta, dowladdu waxa ay geesiyaashaan ku daraysaa diiwaanka

Qaranka.” ayuu yiri wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya. Dhalinyaradan ayaa dagaal adag la galay Al-Shabaab, iyaga oo difaac ka galay gudaha masaajidka deegaanka oo ay ka dhex-dagaalamayeen muddo 24 saac, kadib markii ay soo weerareen maleeshiyaadka Khawaarijta oo doonayay inay

https://wardeeqnews.com/