Bandhigga Ciidamada Somaliland Oo Soo Jiitay Indhaha Shacabka

Magaalada Hargeysa ayaa maanta martigelisay munaasabaddii ugu weyneyd ee lagu xusay sannad-guuradii kasoo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, taas oo sanad walba loo asteeyo 18-ka May.

 

Munaasabadda oo si heer sare ah loo abaabulay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Cabdirahman Maxamed Cabdullaahi Irro, xubno ka tirsan golayaasha dowladda, saraakiil ciidan, siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Bartamaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan goobaha waaweyn ee dabaal-degga, ayaa lagu soo bandhigay kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland, kuwaas oo sameeyay dhoolatus ciidan oo ay shacabka si weyn u daawanayeen. Waxaa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay gaadiid dagaal, hub culus iyo qalab ciidan oo ay ciidamada Somaliland adeegsadaan.

 

Dadweyne aad u fara badan oo lulayay calanka Somaliland ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyaga oo muujinayay taageeradooda munaasabadda iyo xuska sannad-guurada.

 

Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro, ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku bogaadiyay shacabka Somaliland sida ay uga qeyb qaateen ilaalinta nabadda, dowladnimada iyo wadajirka bulshada. Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto inay hesho aqoonsi caalami ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *