Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ciidamada difaaca Sacuudiga ay ku guuleysteen inay fashiliyaan kahor inta aysan geysan wax khasaare ah.
Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarradaasi ay yihiin xadgudub halis ku ah madaxbannaanida Sacuudi Carabiya, islamarkaana ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa markale xaqiijisay inay si buuxda ula garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo muujisay taageerada ay u hayso tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Sacuudiga.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay sheegtay in weerarrada lagu beegsanayo dalalka iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay dhaawacayaan xasilloonida guud ee gobolka, islamarkaana ay sii kordhin karaan colaadaha iyo xaaladaha nugul ee ka jira Bariga Dhexe.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, isla markaana la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

