3 qaab oo ay dumarka caloosha ku jaraan (aadna u fudud)

0
140

Mid ka mid ah amaanta ay dumarka ugu jecel yihiin in lagu amaano waa inay dhexdeeda yar tahay. 

Suugaan badan ayaa lagu xusay haweenka dhexda yar, gabar walbana hammigeeda waa inay heerkaas joogto.

Laakiin ma sahlana in dhexdaada ay yaraato adigoo aan dadaal xoog badan sameynin.

Maanfur waxay dumarka maanta u sharraxaysaa saddex jimicsi oo aad u fudud, kuwaasoo gabar kasta ay ku dhuubi karto dhexdeeda, sidoo kalena lugaha ay ku dhismayaan.

Jimicsigan wuxuu soconayaa wax aan ka badnayn labo daqiiqo halkii marba, waana sababta uu u sahlan yahay.

Isbuuciiba labo ama saddex jeer ayaad sameyneysaa, haddii aad awoodidna ka badi intaas.

1- La socoshada culayska

images - Wardeeq news https://wardeeqnews.com/3-qaab-oo-ay-dumarka-caloosha-ku-jaraan-aadna-u-fudud/ Wardeeq news 3 qaab oo ay dumarka caloosha ku jaraan (aadna u fudud)

Inta badan jimicsigan wuxuu ku sahlan yahay goobta gym-ka oo qalabka laga helo.

Labo bir oo isku miisaan ah labada gacmood ku kala qaad, oo la soco ilaa 30 ilbiriqsi.

Culayska awooddaada ah qaad laakiin xaqiiji in aadan dhinac isku liicinin. Gacmaha ha fidsanaadaan, garbahana gadaal ha joogaan.

Qaabkan wuxuu jarayaa xayrta caloosha, wuxuuna dhisayaa lugaha qaybtooda hoose iyo cajarrada.

2- Culayska horay iyo gadaal

images 2 e1625386015162 - Wardeeq news https://wardeeqnews.com/3-qaab-oo-ay-dumarka-caloosha-ku-jaraan-aadna-u-fudud/ Wardeeq news 3 qaab oo ay dumarka caloosha ku jaraan (aadna u fudud)

 

Labo bir oo awooddaada ah soo qaado kaddibna labada gacmood oo isla socda mar gadaal geed adigoo xoogaa yar horay isu qalloocinaya, marna adigoo istoosinaya horay gee.

Labada jeerba gacmahaagu ha fidsanaadaan iyagoo culayska haya.

Marka aad sidan sameyso 30 ilbiriqsi, dib ugu laano jimicsigii hore oo ka samee 30 ilbiriqsi oo kale.

3- Culays dib ula socosho 

images 3 - Wardeeq news https://wardeeqnews.com/3-qaab-oo-ay-dumarka-caloosha-ku-jaraan-aadna-u-fudud/ Wardeeq news 3 qaab oo ay dumarka caloosha ku jaraan (aadna u fudud)

Labo bir oo culayska awooddaada ah ku kala qabso labada gacmood kaddibna billow inaad dib tallaabo ula qaaddo adigoo ka billaabaya lugta midib laddibna lugta bixid.

Laakiin marka aad dib u tallaabsanayso lugaha midna hoos jilibka u gee midna kor.

Jilibka lugta gadaal u baxaysa aad ha ugu dhawaado dhulka.

Sida ugu fiican ee jimicsiyadan degdeg natiijo looga helo waa in la sameeyo ugu yaraan lix maalmood isbuuciiba.

Ogsoonow in qof walba qofka uu ka badsado uu natiijadana uga hormarayo.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here