Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi cirro oo saaka ka qeyb galey carwada buugaagta ee Hargeysa international book fair ayaa sidan yidhi:-
Waxa aan saaka aroortii hore ka qeybgalay furitaanka Bandhigga Caalamiga ah Buugaagata ee Xarunta Dhaqanka Hargeysa lagu qabtay [Hargeisa International Book Fair] oo ahaa bandhigii 14aad ee si joogta ah loogu qabto dalka gudihiisa.
Waxa aan si weyn u garab taaganahay isla markaana dhiirigelinayaa qoraalka iyo akhriskaba, anniga oo qorayaasha Afka Soomaaliga wax ku qorana si gaar ah u bogaadinaya. #HIBF2021.